𝐆𝐚𝐫𝐨𝐰𝐞: 𝐌𝐚𝐫𝐜𝐡 𝟏𝟖, 𝟐𝟎𝟐𝟓: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqradiyeynta iyada oo ka duulaysa mawqifkii ay Dawladda Puntland hore u qaadatay ee ahaa sharci kasta oo aan heshiis lagu ahayn in aysan qayb ka ahayn Puntland, waxay cadaynaysaa in aysan aqoonsanayn, deegaanadeedana ka hirgelayn waxa loogu yeeray diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka.
Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay uga digaysaa bulshada Reer Puntland in aysan ku kadsoomin, kana qaybgalin diiwaangelinta sharciga baalmarsan oo aan heshiiska lagu ahayn, sababahaan hoose awgood:-
1. Xogta kaarkaani ma ahan mid sugan, amni ah oo ku kaydsan gacmo la isku halayn karo.
2. diiwaangelintaan waa mid siyaasadaysan loogana golleeyey doorashooyin macmal ah oo aan heshiis lagu ahayn dadkana lagaga siijeedinayo xaqiiqooyinka dhabta ah ee Dalka ka jira ee ay ka midyihiin amni xumada iyo kala qaybsanaanta Bulshada Soomaaliyeed.
3. Waa mashruuc hanti urursi ah, oo culays ku ah dadka soomaaliyeed ee la tabaalaysan duruufaha amni iyo dhaqaale.
Dawladda Puntland waxay ahmiyadda siinaysaa horumarinta danaha gudaha Puntland, gaar ahaan xoojinta amniga, dhammeystirka hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka, horumarinta dhaqaalaha, waxayna samayn doontaa kaarka aqoonsiga Puntland (Puntland State ID).
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Website: moifad.pl.so
Facebook: https://www.facebook.com/Moifad.
Twitter https: https://x.com/MOIFAD.
Tiktok: https://www.tiktok.com/@moifad1.
Instagram:https://www.instagram.com/moifad_dpl..
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.