𝐃𝐡𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐥-𝐥𝐚𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐨𝐠𝐡𝐚𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 Doorashooyinka PL Ee Pec

Sida ku cad qodobka 13-aad, farqadiisa 1-aad ee Sharciga Guddiga Doorashooyinka Puntland oo qeexaysa dhaarinta Xoghaya Guud ee Guddiga, waxaa saaka Garsoore Sheekh 𝙎𝙞𝙘𝙞𝙞𝙙 𝘼𝙭𝙢𝙚𝙙 𝙁𝙖𝙖𝙧𝙖𝙭 oo ka mid ah garsoorayaasha Maxakamadda Sare ee Puntland uu dhaariyay Xoghayaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Puntland Mudane Asad Ahmed Hersi oo Guddigu u magacaabay jagadaan.

Dhaarinta kaddib, Xoghayihii hore ee Guddiga ahna xubin ka tirsan PEC Marwo Ubah Abshir ayaa xilka ku wareejisay Xoghaya Cusub. Guddiga ayaa soo dhoweeyay Xoghayaha Cusub kulana dardaarmay shaqo wanaag iyo inuu masuuliyadda uu qaaday uga soo baxo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka Guddiga, sidoo kale waxa ay uga mahadceliyeen Marwo Ubax Cabdullaahi Abshir hawlkarnimadii iyo shaqo wanaaggii ay muujisay muddadii ay joogtay xafiiska.

Munaasabaddaan oo isugu jirtey dhaarinta iyo xil-wareejinta waxaa kasoo qaybgalay Guddoonka, xubnaha Guddiga iyo qaar kamid ah hawlwadeennada xafiiska.

𝖷𝖺𝖿𝗂𝗂𝗌𝗄𝖺 𝖶𝖺𝗋𝖿𝖺𝖺𝖿𝗂𝗇𝗍𝖺 𝖦𝗎𝖽𝖽𝗂𝗀𝖺 𝖣𝗈𝗈𝗋𝖺𝗌𝗁𝗈𝗈𝗒𝗂𝗇𝗄𝖺 𝖯𝗎𝗇𝗍𝗅𝖺𝗇𝖽(𝖯𝖤𝖢)
#𝘹𝘢𝘲𝘪𝘪𝘫𝘪_𝘹𝘢𝘲𝘢𝘢𝘨𝘢_𝘮𝘶𝘸𝘢𝘢𝘥𝘪𝘯𝘪𝘮𝘰
#𝘨𝘰𝘢𝘢𝘮𝘪_𝘮𝘢𝘴𝘪𝘪𝘳𝘬𝘢𝘢𝘨𝘢_𝘮𝘶𝘴𝘵𝘢𝘲𝘣𝘢𝘭𝘬a


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading