𝐐𝐨𝐫𝐦𝐚𝐝𝐚 πŸ“’𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 π…πšπ‘πšπ¦π€πš π…πžππžπ«πšπšπ₯𝐧𝐒𝐦𝐚𝐝𝐚 [π’πšπ¦πžπ²π§π­πš 𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛 π’π‘πšπ«πœπ’]

𝐐𝐨𝐫𝐦𝐚𝐝𝐚 πŸ“’𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 π…πšπ‘πšπ¦π€πš π…πžππžπ«πšπšπ₯𝐧𝐒𝐦𝐚𝐝𝐚 [π’πšπ¦πžπ²π§π­πš 𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛 π’π‘πšπ«πœπ’]

Maanta waxaan rabaa in aan wax yar idin kala wadaago sida ay u wada-shaqeeyaan Aqalka odayaasha [Senete/Upper House] iyo Aqalka wakiilada [House of Representative/Parliament], marka la sameynayo Qodob ama qodobo Sharci.

π’πšπ¦πžπ²π§π­πš 𝐐𝐨𝐝𝐨𝐛/𝐨 π’π‘πšπ«πœπ’

Mid ka mid ah ahamiyaadka Baarlamaanku waa sameynta sharciyada waxaana luqada qalaad loo yaqaan (π‹πšπ°). Sharciga waxaa lagu dhaqaa dadka ama shacabka.

Inta aan qodobka sharciga bilaabin sharaxaadiisa aan idin sii ogeysiiyo in dowladda federaalku leedahay 3 dastuur oo kala ah kan Federaalka, kan D/goboleedyada & kan Dowladda Hoose.

Hadda waxaan ka hadleynaa 𝐊𝐚𝐧 π…πžππžπ«πšπšπ₯𝐀𝐚.

Sida Dastuurku qabo Dowladda dhexe waxay diyaarisaa awoodaha sharci ee arrimaha qaranka. Sida Difaaca, Canshuuraha, Socdaalka, Lacagta iyo kuwo kale. Kuwaas ayayna xaq u leedahay in ay sharciyo (law) ka soo saarto.

Soo bandhigista sharci cusub ama wax ka badal mid hore waxaa loo yaqaan qodob (𝐁𝐒π₯π₯)
Qodobada sharci inta badan waxaa soo diyaariya golaha wasiirada iyaga ayaana Baarlamaanka u soo gudbiya.
Marka qodobka loo soo gudbiyo Baarlamaanka ayaa waxaa bilowda in dood in laga yeesho. Doodahaas waxay leeyihiin akhrino kala duwan sida: Akhrinta 1’aad, Akhrinta 2’aad, 3’aad iwm. [Dalalku waa ku kala duwan yihiin].
Akhrinta 1’aad waa marka qodobka ama qodobada la soo jeedinayo.
Akhrinta 2’aad waa marka xubnaha baarlamaanku ka doodayaan.
Dabadeed gudiyada baarlamaanka kuwa u xilsaaran arrinta laga doodayo ayaa shacabka kula noqda oo su’aalo kasoo weydiiya, golaha ayaa dabadeed dib loogu soo celiyaa.
Mar kale ayay xubnaha baarlamaanu dood ka yeeshaan isla qodobkaas/qodobadaas haddii wax laga badalay & haddii kale, dabadeed wuxuu maraa Akhrinta 3’aad oo ah marka loo codeynayo (𝐯𝐨𝐭𝐞). Markaas ayuu qodobkaasi ka baasaa Aqalka Wakiilada (Baarlamaanka) ama laga diidaa.

Haddii uu ka baaso Aqalka hoose ee wakiilada, wuxuu u gudbaa Aqalka Sare [π“π‘πž π’πžπ§πžπ­πž].

Mar kale ayuu isla qaabkii Aqalka hoose oo kale u maraa kan sare, sida: Akhrinta 1’aad, Akhrinta 2’aad, Akhrinta 3’aad. Wuxuu sidoo kale maraa Guddiyada u xilsaaran howshaas, iyadoo seneteradu mar kale ka doodaan kana sameeyaan weydiimo xagga shacabka ah. Marka uu weydiimahaas soo maro ayuu hadanadib ugu soo noqdaa Aqalka sare oo uu maraa Akhrintiisii 3’aad. Ugu dambeyna qodobkaas ama qodobadaas waa la ogolaadaa ama waa la diidaa.

Markii intaas oo heer uu maro, haddii la pass gareeyo waxaa ugu dambeyn saxiixa hoggaamiyaha dalka ama qofka sharciga u leh in uu saxiixo [waddamadu way ku kala duwan yihiin]. Marka uu saxiixu dhaco ayuu sharci (law) noqdaa..

Bal qiyaas adigu waxa ka dhalan kara mustaqbalka qodob sharci ah intaas oo howl maraya, inta si sahlan oo saacado ku siman loo diyaariyo, loo pass-gareeyo, dabadeed sharci ummad looga dhigo.

Farah M Warsame


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading