๐–๐€๐‘๐†๐„๐‹๐ˆ๐ ๐ˆ๐‹๐€๐€๐‹๐ˆ๐๐“๐€ ๐—๐”๐๐”๐”๐๐ƒ๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐๐„๐ƒ-๐๐€๐๐Š๐€ ๐Œ๐”๐‡๐€๐€๐‰๐ˆ๐‘๐ˆ๐ˆ๐๐“๐€.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, iyada oo tixtaacaysa qoraalka summaddiisu tahay ๐—ซ๐—ช/๐—ช๐—”๐—š/๐—™/๐——/๐Ÿฌ๐Ÿฌ๐Ÿฒ/๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ, kuna taariikhaysan ๐—๐—ฎ๐—ป๐˜‚๐—ฎ๐—ฟ๐˜† ๐Ÿฎ๐Ÿฑ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ, kana soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, ujeeddadiisuna ahayd xakamaynta khataraha amni ee ajaaniibta ku nool ama sida joogtada ah usoo galaysa Puntland.

Wasaaraddu, iyada oo ka duulaysa mabaadiโ€™da sharci ee isu dheelli-tirka ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhawridda sharciyada u yaalla Puntland, waxay dadweynaha reer Puntland ugu baaqaysaa in ay mar walba si dhaw ula shaqeeyaan hayโ€™adaha Puntland ee ku hawllan dhawridda nabad-gelyada bulshada iyo ku dhaqanka sharciga iyagoo ka waantoobaya wax walba oo xad-gudub ah ama sharciga baal-marsan in ay kula kacaan dadka aan muwaadiniinta ahayn ee Puntland ku nool.

Waxaa xasuusin mudan, in Puntland ku dhisantahay sharci iyo kala dambayn ku salaysan mabaadโ€™ida xaq-dhawridda nafta, hantida, karaamada iyo jiritaanka qof-ahaaneed ee dadka. Sidaas darteed, wasaaraddu waxay mar labaad ugu baaqaysaa dadka reer Puntland, in ay ka dheeraadaan fal walba oo sharciga baal-marsan, isla markaasna garab iyo gacan buuxda ka siiyaan hayโ€™adaha ku shaqada leh in ay la xisaabtamaan cid walba oo bed-qabka iyo nabad-gelyada reer Puntland halis ku ah.

Wasaaraddu, iyada oo kaashaynaysa bah-wadaagta kale ee Puntland, waxay ku hawllantahay in ay kala saarto dadka loo oggolyahay in ay waddanka ku joogaan sifo sharci ah iyo dadka sharci darrada ku joga Puntland si loola socdo dhaq-dhaqaaqooda ama sharciga loo waafajiyo ciddii xad-gudub la timaadda.

โ–ช๏ธŽโ–ช๏ธŽโ–ช๏ธŽFULIN WACANโ–ช๏ธŽโ–ช๏ธŽโ–ช๏ธŽ

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading