๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ข๐—ผ ๐—ซ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ฎ ๐—ž๐˜‚ ๐—ค๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ก๐—ผ๐—ฟ๐˜„๐—ฎ๐˜†

Raโ€™iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim.

Kulanka Raโ€™iisul Wasaare Xamse iyo Wasiir Anne Beathe Tvinnereim,ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada Dowladood iyo iskaashiga Labada waddan, gaar ahaan taageerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, isbedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka.

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim ayaa Raโ€™iisul Wasaaraha uga mahad celisay qaabilaadda, iyada oo intaa sheegtay in dowladda Norway ay ka goโ€™antahay joogteynta taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Somaliyed.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Norway uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Somaliyed.

—-DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
Media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading