12-ka Oktoobar waa Maalinta Calanka Buluuga ah Ee Somaliyed

Maanta oo kale,waxaa mudnaanta leh in la xuso Maxamed Cawaale Liibaan rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo oo ahaa hindisihii Calanka.

1954-tii kala Doorashadii Calamada lasoo bandhigay,ayaa lagu qaatay Calanka Buluuga ah ee Xidigta 5-ta Gees leh dhexda kuwata.

Calanka Buluuga ah,weli,waa astaanta Qaranka iyo Dugsashada Sinjiga Somaliga ah si walba oo uu xaalku adag yahay.

64-Sano kadib Xoriyadii Somalidu Gobanimo kuma noola,waxaana tusaale u ah Ninkii Calanka ku astaysnaa in uu ku Geeriyooday Qurbe uu gabaad ka raadiyay.

Calankeenoow Cawaale,waxa uu ku dhashay Mudug,waxa uuna ku Geeriyooday Canada.

Isku soo wada duuboo jiritaanka Qaran mideeya Somalida,weli,waa muhiim.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading