Maxay kawada hadleen Puntland iyo weftiga Qaramada Midoobey?

Wefti sare oo uu hogaaminayo Wakiilka QM ee Somaliya James Swan,ayaa soo gaaray Caasimada Puntland ee Garowe.

Arimaha ay kawada hadleen,ayaa kala ahaa…

1.Amaanka,si gaar ah rabashadaha ka dhasha muranka Dhulka oo ay ugu danbaysay dagaalkii Mudug iyo la dagaallanka argagixisada.

2.Dimuqraadiyada oo Sadexdii Degmo ee udanbeeyay Doorashadii Golayaasha Deegaanka la qabanayo 23-ka Bishan.

3.Horumarinta iyo Gargaarka bini’aadantinimo.

4.Arimaha Qaran ee hortabinta leh ee kala ah..

B.Dagaalka Shabaab.
T.Dib u Eegista Dastuurka
T.Doorashada soo socota
J.Wada Shaqaynta DF iyo Dowladaha Xubnaha ka ah,gaar ahaan PL iyo DF.

Puntland,waxay ku qaabishay weftiga sare ee Qaramada Midoobey maqaam qurxoon oo Dowladeed.

James kuma cusba la Shaqaynta PL oo waxay soo wada Shaqeeyeen mudo dheer,iyagoo soo wada qabtay Shaqooyin muhiim u ahaa Dowlad dhiska Somaliya iyo PL.

Waa Nin aad uyaqaan oo fahansan awooda iyo maqaamka PL ay ku dhex leedahay Geeska Afrika oo aan ubaahnayn in loo Sharaxo ama looga xog waramo.

Kulanku,waxa uu kusoo dhamaaday isfahan.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading