Wararkii ugu danbeeyay dhimashada iyo dhaawaca weerarkii Hotel Beach View

Gadiidka Gargaarka deg-dega ah,ayaa daabulaya Dhawaacyada iyo Maydadka.

Dadka Dhimashada iyo Dhaawaca ah,waxaa ka muuqata Rasaas caadiya,iyadoo loo malaynayo in argagixisadu u isticmaashay Qoryo iyo Buskoolado ka hor intaysan isqarxin.

Dhaawacyada ugu badan,ayaa la geeyay Isbitaalka Digfeer.

Waxaa jira Boqolaal Dadweyne ah oo baadi-goobaya Dadkooda oo isku shubay Isbitaalka.

Waxaa muuqata in dhawaaqa Xabadu sii yaraanayso oo Ragii galay Hotelka ay isqarxiyeen.

Ciidan fara badan,ayaa gaaray Goobta,balse weli wax masuul ah oo hadlay majiraan.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading