Gudiga joogtada ah Ee Baarlamaanka PL oo kulan yeeshay

Garoowe, September 10, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid,ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 1-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Fadhiga maanta,ayaa looga hadlay xaalka guud ee dalka, waxaana warbixin looga dhageystey madax guddiyeedyada Golaha Wakiillada, taasoo la xiriirta Arrimaha Amniga, Dhaqaalaha, Arimaha Bulshada iyo Horumarinta hannaanka shaqo ee Golaha Wakiillada.

Fadhiga,ayaa intii uu socday waxaa sidoo kalena looga hadlay cabasho ka timi dadweynaha caasimadda Garoowe taasoo la xiriirta qiimaha biyaha sifaysan, waxaana loo saaray Guddiga gaar ah oo arrimahaas ka soo tallo-bixiya, iyo daraasad ugu soo sameeyaan cabashadaas warbixinna u soo gudbiyaan Guddiga Joogtada ah.

Ugu dambeyn, waxaa guddiga joogta ah isla qaateen dar-dargelinta shaqada Guddiga Joogtada ah iyo in dabagal lagu sameeyo fulinta go’aamadii ka soo baxay kalfadhigii 54-aad ee Golaha Wakiillada.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading