In ka badan 40 Tahriibayaal African ah ayaa shalay ku geeriyootay Dooni ku degtay meel ka baxsan Xeebaha Galbeed ee dalka  Libya

Afhayeenka u hadlay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee Libya , Kolonel Abu Ajila Cabdul-baari ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen 200 oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo ay Doonidii ay ku socdaalayeen ku degtay meel ka baxsan Xeebta Degmadda GARABULLI oo 60-KM dhanka Bari kaga toosan magaalladda  Tripoli.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay Ilaaladu heleen 30 mayd iyo 60 ka badbaaday  Doonida 1-aad ee degtay, halka la soo badbaadiyeen  dhamaan 140 Tahriibe ee la socday Doonidii 2-aad ee ay u gurmadeen.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Badda Libya, Ayuub Qaasim oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee AFP ayaa sheegay in maydadka la helay ay ku jireen 18 haween iyo 3 carruur ah.

Waxa kale oo uu sheegay in weli la la’ yahay 40-Tahriibayaal oo la socday Doonidii ku degtay Xeebaha dalkaasi.

Tahriibayaashii shalay la soo badbaadiyey ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan Somalia, Ghana, Ethiopia, Nigeria iyo 4 u dhalatay Pakistan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading