W/Q Cabdi Faarax Siciid (Juxa)
Carta, Djibouti 2000
Toban sano oo kala haad ah kadib waxaa dib u bilaamay abaabul cusub oo Dawladnimo. Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa fidiyey gacan walaal oo gogol fidsan dhigay Magaalada Carta ee Djibouti 2000. Shir aad u balaaran oo waxgaradka iyo bulshada rayadka ah u badan, lagana ilaaliyey hogaamiye-kooxeedyada ayaa gogol aan waqti cayiman ku xirrayn oo xal doon ah loo fidiyey. Talada shirka nabadaynta, maalgelintiisa iyo abaabulkaba waxaa keli ahaan dusha u ritay Madaxweyne Ismaaciil iyo Djibouti. Aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo hoggaan dhaqan oo jilib culus ah ayaa oo toban sano oo magac xumo iyo metelaad la’aan Dawladnimo kadib is-horfariistay. Calankii buluugga ahaa oo aan muddo fagaare lagu arag iyo heeso wadani ah oo qiiro leh ayaa laga hor ooyey oo lagu wada calaacalay.
Shirka Carta maamul ahaan lagama casumin Somaliland iyo Puntland oo ay kala hogaaminayeen Cabdullahi Yusuf Maxamed Ibrahim Cigaal, inkasta oo ergo deegaamadaas kasoo jeedaa shirka yimaadeen. Dood iyo lafogur dheer oo qaatay ilaa lix bilood waxaa shirkii Carta ka dhalatay Dawlad loo bixiyey TNG-Transitional National Government iyo nidaam awood-qaybsi siyaasaddeed loogu yeeray 4.5 loona arkayey xal ku meel gaar ah oo albaabka Dawladnimo-doonka ah lagu furo maadaama kalsooni xumo iyo kala shaki badani jirey. Waxaa Madaxweyne loo doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan, iyo Cali Khalif Galayr oo Raysal-wasaare ah oo labaduba ka mid ahaa xukuumaddii Askarta, kana soo kala jeeday Woqooyi iyo Koonfur.
Si weyn ayaa Dawladdii Carta loo soo dhoweeyey, waxayna Xamar ka degtay iyada oo rajo weyn laga qabo. Inkasta oo ay Dawladdii Cabdiqaasim cod loo baahnaa u noqotay Soomaaliya, fagaarayaasha caalamkana metelaad uga heshay, haddana wax weyn oo kale uma qabsoomin. Taageero iyo aqoonsi macno leh kama helin caalamka, marka laga reebo sako iyo sadaqo Carbeed oo sooryo ah. Mucaarad gudaha ah iyo mid dibadda ahna waa yeelatay oo sii wiiqa. Waxayse fure muhiim ah u noqotay safarka dheer ee dib-u-yagleelka Soomaaliya oo qori-isu-dhiib ku dhisan, waxayna Dawladdii carta ee TNG-da taariikhda ku gashay inay noqoto xukuumaddii ugu horraysay ee is-faham ku dhalata ilaa iyo burburkii xukuumaddii Askarta Jannaayo 26, 1991.
Mbegati-Eldoret, Kenya
2002-2004
Kahor dhamaadka muddo xileedkii xukuumaddii Carta waxaa sii bilowday ololaha tii bedeli lahayd oo ay hormuud ka yihiin siyaasiyiin iyo hoggaamiye kooxeedyo mucaarad ku ahaa Madaxweyne Cabdiqaasim iyo TNG-dii Carta. Is-bahaysiga hannaankii Eldoret-Embegati waxaa horkacayey Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo Madaxweyne ka ahaa Puntland oo iyadu markaas maamul ahaan u dhisnayd. Waxaa kaloo hannaanka Dib-u-heshiisiinta Eldoret iyo Embegati riixayey dalalkii deriska ahaa ee Kenya, Ethiopia iyo Urur Goboleedka IGAD oo u arkayey in Xukuumaddii Cabdiqaasim dhinaca Carabta u badatay iyo Midowga Yurub oo bixinaysay kharashkii badnaa ee shirka.
Halkan ka daawo muuqaalka
Ugu yaraan labo sano oo xarig jiid, gorgortan iyo cadaadis adduunka ah kadib waxaa dhalatay xukuumaddii la baxday Kumeel Gaadhka (TFG1-Transitional Federal Government) oo uu Madaxweyne ka yahay Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Cali Maxamed Geedi-na Raysal-wasaare. Waxay ahayd Dawlad ku dhisan Charter federal ah oo leh 175 xildhibaan oo ku salaysan awood-qaybsi siyaaasadeedkii Carta ee 4.5 oo uu Gudoomiye Baarlamaan ka yahay Sheriif Xasan Sheekh Aaden. TFG1 Waxay ahayd Dawladdii 2-aad ee dalka dibaddiisa lagu soo dhiso, waxay kaloo ahayd Dawlad ay ku dhan yihiin dhamaan qabqablayaashii dagaalka ee muuqday iyo cidkasta oo saamayn siyaasadeed iyo mid ciidan lahayd xilligaas. Waxaa la jideeyey in wasiirradu kasoo dhex bixi karaan xildhibaanada taas oo ah caqabad weli taagan oo wax weyn u dhintay Is-korjoogtaynta iyo Isla xisaabtanka (Transparency and Accountability) Hay’adaha Dawladda.
Waajibaadka ugu weyn ee TFG1 Waxay ahayd:
1. In muddo labo sano ah lagu dhamaystiro nidaamka cusub ee Federalism-ka ah ee la qaatay, 2. In Xukuumaddu gudaha dalka ka hawlgasho oo Hay’adihii Dawladda la dhiso iyo
3. In la dhamaystiro Axdi-qarameedka ku meelgaarka ah.
Laakiin markiiba waxay xukuumaddii Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf iyo Raysal-wasaare Geeddi la kulantay mucaarad xooggan oo fursad u diidday. Guddoomiyihii Baarlamaanka Sheriif Xasan iyo hoggaamiyeyeyaashii hubaysnaa ee Muqdisho qaar ka mid ah ayaa samaystay isbahaysi siyaasaddeed oo mucaarad ah, waxayna diiddeen in xukuumaddu Xamar tagto. Madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf iyo xukuumaddiisii waxay u guurtay Jawhar oo uu markaas haystay Maxamed Dheere oo ay Raysal Wasaare Geeddi qaraabo ahaayeen, kursiga Baarlaman-kana uga baxay. Xoogaa ka dib Maxamed Dheere wuxuu u jirxumeeyey xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf ee maganta u ahayd. Si lama filaan ah ayaa Madaxweyne Cabdillahi Yusuf ugu guuray Baydhabo oo uu gacan-haadis ka helay.
Isafgranwaagii mucaaradkii TFG1 iyo Madaxweyne Cabdillaahi waa sii xoogaystay, waxaana samaysmay “muqaawimo” ama iska caabbin isku xiran dibad iyo gudoba. Xarakadii Maxaakiimta ee Sheekh Sheriif iyo Xasan Daahir Aweys hoggaaminayeen ayaa soo if baxday oo xoogaa kala dambayn iyo amni ah ka samaysay Xamar iyo nawaaxigeeda muddo lix bilood ah. Madaxweyne Cabdillahi Yuusuf wuxuu ka badbaaday isku day dil mar uu kasoo baxay xarunta Baarlamaan-ka, waxaana aad u xumaaday xiriirka isaga iyo Gudoomiye Sheriif Xasan oo mucaarad toos ah xilligaas noqday. Markaas kadib xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf iyo Geeddi waxay Itoobiya ka dalbatay ciidamo xoog leh oo gacan siiya, Xamarna u gelbiya. Markii ugu horraysay taariikhda ayaa ciidamo Itoobiyaan ahi galeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho taas oo ay dad badani u arkayeen bahdil siyaasaddeed. Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo ay Cabdullaahi Yuusuf isku aragti dhawaayeen, ayaa loo doortay bishii Janaayo 2007 Gudoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliya.
Labo sano ayey ku qaadatay in xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf oo ay ciidamo Itoobiyaan ahi gelbinayaan ay Xamar gasho oo jebiso isbahaysigii maxaakiimta iyo muqaawimada, calankana dib looga taago Villa Soomaaliya markii ugu horraysay 17 sano kadib. Laakiin khasaare ballaaran oo dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac weyn leh ayey taasi ku timi. Waxaa arrintaas iyana ka dhashay mucaarad kale oo xoog leh oo la baxay isbahaysiguu ARS ee ASMARA oo isugu jirey xildhibaanno, maxaakiim, qurbo-joog iyo siyaasiyiin kale oo dhamaan ku midaysnaa inay xukuumadda Cabdillahi Yuusuf tuuraan, waxaana hormuud u ahaa Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka-ka Sherif Xasan iyo Sheekh Sherif oo ahaa Madaxii maxaakiimtii la jebiyey.
Waxaa iyana is-khilaafay Madaxweyne Abdullaahi Yuusuf iyo Raysal Wasaare Geeddi, waxaana la magacaabay Raysal Wasaare cusub oo ah Nuur-cadde oo isna ay isla markiiba markale is-khilaafeen Madaxweyne Abdullahi Yuusuf. Itoobiya oo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf soo dhistay ayaa markaan dhabarka u jeedisay, Maraykankuna wuxuu saaray cadaadis weyn oo ah inuu tago si loo qanciyo mucaaradka ASMARA ee sii xoogaysanaya. Bishii Nofember ayaa Madaxweyne Yuusuf si lama filaan ah u hortegey Baarlamaanka oo ka horsheegay inuu is-casilay, xilkana uu sii haynayo Gudoomiyihii cusbaa ee Baarlamanka Sheekh Aaden Madoobe. Madaxweyne oo muddo-xileedkiisa ay ka harsan tahay 7 bilood ayaa kasoo degey magaalada Garowe isaga oo kelidiis ah oo hubkii iyo ciidankii uu Puntland kala tegey aan wadan.
Tani waxay ka dhignayd inuu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ka dhabeeyey mid ka mid ah ballanqaadkiisii markii la doortay ee ahayd inuu saddex mid noqon doono:
- Inuu ku guulaysto shaqada loo igmaday,
- Inuu ku dhinto isaga ku dhex jira iyo
- Inuu dadka talada dib ugu soo celiyo hadduu shaqadaas ku fashilmo.
Wuxuu taariikhda ku galay inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyey ee calanka sura Villa Soomaaliya burburkii kadib iyo inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyey ee taariikhda Soomaaliya is-casila isaga oo aan waqtigisu dhamaan.
Djibouti TFG 2: Sheekh Sheriif 2009-2012
Wadahadal iyo gorgortan siyaasaddeed oo dhexmaray Raysal Wasaare Nuur-cadde iyo mucaaradkii ASMARA oo xafiiskii UN-ka ee Axmed Walad Cabdalla ku dhex jiro, ayaa kusoo dhamaaday in doorasho cusub la qabto, mucaaradkana la siiyo 250 xildhibaan oo ah hadiyad siyaasaddeed si loo hubiyo inay kursiga ku guulaystaan. Feegaarkii siyaasaddeed ee ugu horreeyey oo sharciga ka baxsan ayaa la jideeyey. Sheekh Sheriif Sheekh Axmed oo ahaa madaxii ARS-ta ee ASMARA, ayaa Djibouti loogu doortay inuu noqdo Madaxweynihii labaad ee TFG 2009, wuxuuna Raysal Wasaare u doortay Cumar cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Madaxweyne Sheekh Sheriif inkasta oo ay is-qabteen labadiisii Raysal Wasaare ee Cumar Cabdirashiid iyo Farmaajo labadaba haddana wuxuu si xoog leh usii waday shaqadii dib-u-heshiisiinta, Datuur samaynta iyo dal-isku wadka. Waxaa si gaar ah loogu xasuustaa shirarkii Garowe 1, iyo Garowe 2 iyo gabagabeyntii iyo ansixintii Dastuurka KMG ee Muqdisho ka dhacday. Waxaa kaloo lagu xasuustaa in doorashadii ugu horraysay ee Madaxweynimo lagu qabto dalka gudihiisa oo ay Mugdisho ka dhacdo 2012, taas oo ahayd tallaabo muhiim ah oo xusid mudan iyo weliba muddo-xileedkiisa ay Dawladdu ka baxday ku meelgaarkii oo noqotay Dawlad rasmi ahoo loo yaqaan FGS. Nuxurka ka bixidda ku meelgaarnimada iyo dhinacyadiisa togan ama taban waa dood kale oo furan.
FGS1: Muqdishu 2012-2016
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne loogu doortay Sebtember 2012, wuxuuna noqday Madaxweynihii 1-aad ee Muqdisho lagu doorto ilaa iyo intii ay Dawladdii dhexe dhacay 1991. Dooarshada Xasan Sheekh Maxamuud waxay Soomaaliya ka dhigtay Dawlad rasmi ah oo la aqoonsan yahay oo adduunka la macaamili karta. Inkasta oo gaabisyo iyo caqabado jireen muddo xileedkiisa sidii xukuumadihii ka horreeyeyba, haddana Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu xasuusan karaa dhowr qodob oo muhiim ah oo saldhig u noqday dhismaha Dawladda Federaalka ah. Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu Dastuurka ku meelgaarka ah iyo nidaamka federaalkaba su’aalo ka qabay, kana horyimi bilowgii dhismihii Jubbaland, haddana dhamaan maamul-goboleedyadu waxay samaysmeen muddo xileedkiisii marka laga reebo Somaliland iyo Puntland oo iyagu ka horreeyey Dawladda Federaalka dhalashadeeda. Sidaa daraadeed Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu xasuusan doonaa dhamaystirka qalfoofka Federaalka.
Waxaa kaloo lagu xasuusan doonaa samaynta Madashii Wadatashiga ee Madaxda dawlad-Goboleedyada oo noqday Madal go’aamo wadajir ah lagu qaato marka taladu murugto sida tii doorashooyinka 2016 ee xildhibaanada lagu soo doortay deegaan doorasho.
Maxaa lagu xasuusan doonaa TNG-dii CARTA, TFG-dii Mbegathi, TFG-dii Djibouti iyo FGS-tii 1-aad ee Muqdishu?
- Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan wuxuu cod iyo metelaad u noqday Soomaalida muddo toban sano oo Dawlad la’aan ah kadib.
- Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf wuxuu calankii iyo Dawladnimadii dib ugu celiyey Villa Somalia 16 sano kadib.
- Madaxweyne Sheekh Sheriif Sheikh Axmed wuxuu dalka ka saaray kumeelgaarnimadii, wuxuu ansixiyey Dastuurkii kumeelgaarka ahaa, wuxuu xoojiyey isu soo dhoweynta Soomaalida, wuxuuna hirgeliyey in doorashadii ugu horreeysay ee Madaxweynenimo ka dhacdo Muqdisho ilaa iyo burburkii.
- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhamaystiray qalfoofkii Dawlad-Goboleedyada iyo nidaamka Federaalka.
Kulli Madaxweynayaashaasi waxay ka midaysanaayeen in mid waliba tallaabo iyo sal muhiim ah u dhigo Dawladnimada iyo in is-bedel yimaado dhamaadka muddo xileedka kan kale.
Kulligood waxay qayb ka ahaayeen 17 sano oo baadigoob iyo dib-u-dhis Dawladnimo Soomaaliyeed ah.
La soco qaybta 4-aad
Cabdi Faarax Siciid (Juxa)
Email: juxafarah@gmail.com
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.