29 Mudane ayaa codka kalsoonida siiyey Muumino Sheekh Cumar, taas oo Xubin ka noqoneysa Gudiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka.
Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa sheegay in sirasmi ah Abuukaate Muumino Sheekh Cumar ay uga mid noqotay Gudiga Qaabilsan Arrimaha Dastuurka.
Ansixinta xubnaha Golaha Aqalka sare ee dalka Kadib ayaa halkaasi lagu dhaariyey Muumino Sh Cumar oo kamid noqotay Guddiga qaabilsan Arrimaha dastuurka.
Gudoomiyaha Gudiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale ayaa Guul ku tilmaamay in Gudigoodu hello qof aqoon dheer u leh Arrimaha Dastuurka.
Dhanka kale waxaa Golaha Aqalka Sare hortagay oo Warbixin laga dhageystay guddoomiyaga Gudiga dib-u-heshiinsiinta Qaranka, Ismaaciil Macalin Muuse.
“Waxaan tagnay meelo badan oo Soomaaliya ah runtii intii uu Gudigan jiray waxaan qabanay Shaqooyin badan, waxaase naga horyimid caqabado muuqda markaasna aanan anaku awood buuxda u laheyn, waxaa Qorsha gudiga Bid-u-heshiinsiint Qorshahiisa kamida in Deegaanadda Al Shabaab laga xoreeyo dib u heshiisiin laga sameeyo”ayuu yiri Ismaaciil Macalin Muuse
Sanatarada Golaha Aqalka Sare ayaa intaas kadib soo jeediyey in Gudiggan Dib-u-heshiisiinta lataageero cabashooyinkoodana laxaliyo.
Abdirisak jubba -Idilnews.com
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.