Hay’ada Madaxa Banaan ee ka Shaqeysa dhanka Xaquuqda Aadanaha deegaanada Soomaaliland aya waxa ay soo saartay tacadiyada ka dhanka ah xaquuqul Aadana ee Sanadkaan .
Gudoomiyaha Hay,ada Madaxa Banaan ee Xuquuqul insaanka Soomaaliland Guleed Axmed Jaamac ayaa sheegay in Madaxda Soomaaliland ee uu Siilanyo hogaamiyo ay masuul ka aheyd tacadi loo geystay dad Wariyayaal u badan iyo qeybaha kale ee bulshada.
Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaas raaciyay in dhamaan tacadiyadaas ay geysteen intooda badan Ciidamada Maamulka Soomaaliland.
Gudoomiyaha Hay,ada Madaxa Banaan ee Xuquuqul insaanka Soomaaliland Guleed Axmed Jaamac ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi inuu wax ka bedelo dhamaan caqabadaha ka taagan Soomaaliland uuna dhamaystiro Sharciyada qabyada ah ee Bulshadda.
Sikastaba Sanadkaan sii dhamaanaya ee 2017 ayaa deegaanada kala duwan ee Maamulka Soomaliland waxaa lagu xiray tiro wariyayaal iyo Siyaasiyiin haba ugu badnaatee xiliyadii lagu guda jiray ololihii doorashooyinka Soomaaliland ee uu ku soo baxay Muuse Biixi Cabdi.
Abdirisak Jubba -Idilnews.com
HALKAN HOOSE KA DHEGAYSO
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.