Ciidamada Difaaca Puntland waxay weerar kale ku celiyeen Makhribkii argagixisada.
Ciidamada Difaaca Puntland Weerarkaas danbe,waxay argagixisada kaga dileen 18-kale.
Si guud argagixisada,waxaa Maanta ilaa Caawa laga dilay 70-Maleeshiyadooda ah.
Difaacii Taliska weyn ee argagixisada oo ay joogaan Raga muhiimka ah,ayaa Maanta la burburiyay oo Cagta la mariyay.
Ruqaansiga danbe ee Ciidamada Puntland, waxa uu noqon doonaa Taliska weyn ee argagixisada ee ugu danbeeya.
Dhanka Ciidamada Difaaca Puntland,waxaa weerarkan danbe uga Shahiiday 5-Askari.
Si guud tirada Maanta ka Shahiiday Ciidanka Difaaca Puntland,waa 17-Askari rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo.
Sidoo kale Dhaawaca Ciidanka Difaaca Puntland ee Maanta ilaa Caawa,waa 44-Askari.
Dagaalka,waxa uu joogsaday Caawa Laba Saac,waxaana markaas kadib ku bilaabatay Duqaynta Cirka oo ay fulinayso Dowlada Imaaraadka Carabta.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.