200 xildhibaan oo dacwad ka gudbiyay madaxweyne Trump

Ku dhawaad 200 oo xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ah ee dalka Maraykanka ayaa maxkamad geeyay dacwad ka dhan ah madaxweyne Donald Trump, iyaga oo ku eedeeyay in uu lacago ka helay dowlado shisheeye iyaga oo u sii marinaya ganacsigiisa.
 
 
Waxay ku eedeeyeen madaxwayne Trump in uu ku tuntay dastuurka gaar ahaan qodobka ka mamnuucaya in uu helo hadiyad iyada oo aysan ogolaanin Aqalka Congresku.
 
 
Waxaa sheegeen in xildhibaannadii ugu badnaa ee abid dacwad ku soo ooga madaxweyne Maraykan ah.
 
Saraakiil ka tirsan dowlada iyo ganacsato ayaa dhankoodana ka wada kiis kan la mid ah oo ka dhan ah madaxwayne Trump.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading