22-kun oo Arday ayaa ufariisatay Imtixaanka Shahaadiga ah Ee PL

21,801-Arday oo kala ah Fasallada 8-Aad yo Afraad ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare,ayaa fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland.

Waa wax lagu farxo oo muujinaya mustaqbal ifaya.

Ugu yaraan hadii la waayay Qaran Somaliyed oo mid ah,yaan la waayin PL mid ah oo horumar samaysa.

Somalidu dhexdeeda ayay isku mashquulsan tahay oo ka loolamaysaa weli ma gaarsiisna Sawirka weyn in ay wada aragto.

Saakay,waxaa ka qurxoonaan lahayd in Imtixaanka Wadanka mar lawada furo oo ugu yaraan 100-kun oo Arday Madaxweynaha Fadaraalka iyo kuwa DG isku mar uqaybiyaan Waraaqaha lamase hayo mana muuqato in la helayo.

Dadka caadiga ah ee Somaliyed,waxaa ka niyad xun oo ka aragti gaaban,isla markaana naxliga iyo kala qaybintu ka buuxdaa Madaxda.

21-kaas kun ee reer PL Wasiirka Waxbarashada Fadaraalku waa ka xun yahay in ay Imtixaan ufariistaan oo waxa uu taagan yahay PL see uga jiraa horumarkan halkii uu hanbalyayn lahaa.

Dhismaha Dowlada PL waxa ugu yar ee laga faa’iday waa quruxdaas Saakay muuqata ee lagu faani karo.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading