Waxay u muuqataa inay tahay su’aal aan caadi ahayn oo la weydiiyo nin taajir ah oo ganacsiga ku fiicnaa.
Wuxuu siyaasadda ku soo galay olole hal mar ah, wuxuuna gaaray xafiiska ugu sareeya ee Mareykanka.
Balse, Khubarada waxay ka doodayaan caafimaadka maskaxeed ee madaxweynaha Mareykanka.
Dooda caafimaadka maskaxeed ee Trump waxay ka dhalatay warqad furan oo tobannaan qof ay u direen khubarada.
Dhaqaatiirta waxay sheegayaan in “xanaaqa iyo deganaan la’aanta” ay Trump ka dhigayaan mid aanan sii hayn karin xafiiska.
Hadalkaasi wuxuu u muuqdaa mid jebinaya sharciga muddada u yaalay khubarada caafimaadka maskaxda.
Maxay tahay arrinta hadaba?
Doodda la xiriira caafimaadka Trump maaha mid cusub, waxayna soo billaabatay ka hor doorashadii bishii November ee uu ku guuleystay.
Balse, inta badan dhaqaatiirta caafimaadka maskaxda waxay diidanaayeen inay si waadax ah uga hadlaan.
Waxay taasi ka dhalatay sharci muddo soo jiray oo u yaalla ururka dhaqaatiirta Cilmu-nafsiga ee Mareykanka APA, kaas oo la billaabay 1973.
Sharcigaas wuxuu dhaqaatiirta ka mamnuucayaa inay shacabka u bandhigaa wax ku saabsan shaqsi aysan la kulmin.
Xeerkaas waxaa la sameeyay ka dib markii wargeys uu kumannaan qof u bandhigay in musharrixii Jamhuuriyiinta ee 1964-tii, Barry Goldwater, uu maskax ahaan fiyowaa.
APA ayaa sheegtay sanadkii tagay inay “masuuliyaddaro ay tahay iyo dhibaateyn iyo anshax xumo”, in laga hadlo caafimaadka maskaxeed ee musharrixiinta.
Balse hadda, qaar ka mid ah khubarada ayaa si shaacsan u hadlay, waxayna qaar ka mid ah saxiixeen dalab ah in Trump xafiiska laga saaro.
Waxay soo jeedinayaan in Trump uu qabo xanuunka “Isla weynida shaqsiyadeed (NPD)”.
Dadka qabo xanuunka noocaas ah waxaa lagu gartaa calaamada soo socda:
- Islaweyni, naxariisdaro, iyo inay raadiyaan in la jeclaado
- Waxay aaminsan yihiin inay dadka ka sareeyaan ama ay u qalmaan in si gaar ah loola dhaqmo
- Waxay raadiyaan in si weyn loo xushmeeyo loona dhageysto
- Waxay dhibaatoodaan marka la eedeeyo ama ay guuldareystaan
Hadda maxaa cusub?
Warqad loo diray wargeyska The New York Times ayaa 35 ka mid ah dhaqaatiirta maskaxda waxay ka digeen “xanaaqa dareenka ah iyo xasilloonidarada shaqsiga” inay ka muuqdaan hadallada Trump.
Waxay tilmaameen in taasi ay ka dhigeyso “inuusan u qalmin inuu si nabad ah ugu adeego shacabka Mareykanka”.
Waxay sheegeen inay aamusnaanta ku qasabtay sharciga Goldwater, laakiin hadda la joogo xilligii la hadli lahaa.
“Aamusnaanta waxay sababtay inay guuldareysato walaacii ay muujiyeen warbaahinta iyo xubnihii Congress-ka. Haddase aad loogu baahan yahay hadal”.
Qoraalka warqadda waxaa lagu yiri: “Khudbadaha Mr Trump iyo ficilladiisa waxay muujinayaan inuusan dulqaadan karin uusanna ogoleyn in aragtidiisa laga soo horjeesto. Fal-celintiisa waa mid caro ku dheehan. Ereyada uu adeegsado iyo dhaqankiisa waxay soo jeedinayaan inuu naxariis laawe yahay”.
Maxay tahay doodda?
Taasi marka laga soo gudbo, khubarada qaar ee cilmu-nafsiga waxay ku doodayaa “xanuunka” Trump lagu sheegay inuu “aflagaado ku yahay dadka cudurada maskaxda ku dhaca qaba”.
Dr Allen Frances warqad uu u qoray wargeyska NYT wuxuu ku sheegay “in cuduradda dhabiiciga ah ee ugu badan” ee Mr Trump ay yihiin “islaweyni shaqsiyadiisa wax u dhibtay”.
“Wuxuu noqon karaa qof hadalladiisa ay isla weynida ka muuqato, laakiin tani kama dhigeyso in maskax ahaan uusan fiyoobeen, sababtoo ah ma qabo xanuunnada keena in qofka dhimirka looga dhaco”.
Wuxuu intaa ku daray: Mr Trump wuxuu si xun u qabaa walwal iyo islaweyni, si weyn ayaana taasi loogu abaalmariyay, halkii lagu ciqaabi lahaa islaweynida, naf-jecleysiga, iyo naxariis la’aanta.”
Xigasho BBC
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.
waa run arrintaas wax baa ka jira anigu cilminafsiga wax baan ka aqaan waxan hadda ka hor daraasseyey nin mamulka puntland ka tirsan oo aniga madax ii ahaa oo ay isoo baxday in uu cudurkaas qabo wa kan lagu sheegayo trump waxay dhaxal siisay in uu waayo shaqadii uu hayey dabadeedna la geeyo meel uusan ku qanacsanayn iyadoo xaalad qabiil loo tixgeliyey