Khayre iyo Madaxa Maamulka Baanka Aduunka Oo kulmay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel van Trotsenburg, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Swizerland.

Kulanka oo qeyb ka ahaa kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qeyb geleysa madasha qaxootiga adduunka ayaa looga hadlay arrima muhiim ah oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya.

Bangiga adduunka ayaa taageera hey’adaha dowladeed ee dalka si loo dhiirri geliyo dowlad wanaagga, loona karaariyo dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading