Ugu yaraan 7 qof, oo 6-ka mid ah ay isku qoys yihiin, ayaa dhintay kadib markii ay la qaraxday miino waddada bartankeeda lagu aasay, degaan qiyaastii 7 km dhinaca galbeed ka xiga magaalada Buuloburte.
Dadka qaraxa ku dhintay waxaa ay kala yihiin hooyo iyo 4 caruur oo ay dhashay, aabahood iyo macalim dugsi quraan, waxaana ay ku sii jeedeen magaalada Buulobarde, iyagoo ka tagay tuulo ku taalla galbeedka magaalada.
Qoyska ku dhintay qaraxa miinada, ayaa adeeg caafimaad waxa ay ugu socday magaalada Buurlobarde.
Afarta caruur ee dadka dhintay ku jiray waxaa hayay xanuunka jadeecada, sida ay u sheegeen dadka deegaanka.
Guddoomiyaha Buulobarde Cabdi Daahir Guure, ayaa saxaafada u sheegay in nooca miinada ay ahayd kuwa Taangiyada lagula dagaalamo, waxaana loogu talagay, sida uu sheegay, in lala beegsado gaadiidka ciidamada oo waddada isticmaala.
Al-Shabaab ayaa xalay weerar waqti kooban socday waxa ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku yaala duleedka Buulobarde..
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.