700-Arday oo ka Qalinjabisay Jaamacada Jig-jiga

In ka badan 700 oo Arday,ayaa ka qalinjabisay Jaamacadda Jigjiga oo ku taalla Magaalada Jigjiga.

Ardaydan maanta qalinjabisay oo culuun kala duwan ku takhasustay ayaa ah dufcaddii 14-aad oo Jaamacadda Jigjiga ka qalinjabisa tan iyo marki Jaamacadda la aasaasay.

704-ta arday oo maanta Jaamacadda Jigjiga ka qalin jabisay 428 ka mid ah waxay barteen culuunta caafimaadka oo heerka shahaadada koobaad ah.

Halka ardayda soo hartayna ay shahaadada labaad ku qaateen culuunta maamulka iyo maareynta waxbarashada, maareynta iyo xisaabaadka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading