Madaxweyne Deni oo maqaam sare loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo xarunta Kmg ah ee maamulka Koonfur-galbeed.

Madaxweynaha iyo waftigiisa,waxaa uga bilaabatay Koonfur-galbeed booqasho xili muhiim ah timid.

Puntland iyo Koonfur-galbeed shacab iyo maamul ahaanba xiriir fiican,ayaa ka dhaxeeya.

Bulsho asalkeedu kasoo jeedo Puntland,ayaa Koonfur-galbeed degan oo waliba leh Deegaan gaar ah oo muhiim ah halka shacabka reer Koonfur-galbeed ay Puntland ku leeyihiin ganacsi xoog leh,isla markaana ku haystaan Nolol iyo shaqo.
Jibril Qoobey





Halkan ka daawo muuqaalka
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.