Aadan-yabaal Oo si rasmi ah ugashay Gacanta Dowlada Fadaraalka

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa rasmi ah u xaqiijiyey in Ciidamada Dowladdu ay la wareegeen degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellada Dhexe.

Madaxweynaha,ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka saareen dadkii rayidka ahaa magaalada, isla markaana Matooraddii Biyaha soo saarayey ay ceelasha ka bixiyeen.

Madaxweynaha,ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Dowladu gaynayaan Matoorro,si ay biyo uhelaan Dadka Deegaanka.

Degmada keliya ee xilligan Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Shabellada Dhexe,ayaa ah Ruun Nirgood,sida Madaxweynuhu xaqiijiyay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading