Aamino Oo markale ka mid noqotay Golaha Wasiirada ee Mdaxaweyne Uhuru

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Aamina Maxamed u magacaabay Wasiirka Waxbarashada Kenya, iyadoo baneyneysa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda oo muddo shan sano ay heysay.

Aamina Maxamed ayaa mar kale ka mid noqotay Xukuumadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaa horay loo hadal hayay in aysan ku soo laaban doono Golaha Wasiirada.

Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa loo magacaabay Haweeneyda lagu magacaabo Dr Monicah Juma, oo horay u soo noqotay Safiirka Kenya u fadhin jiray Jabuuti iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo sanadkii hore dib loo doortay ayaa si tartiib u wada magacaabista xilalka Wasiirada, waxaana uu dib u soo celiyay xubno ka mid ah Wasiiradii hore.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading