Abiy Ahmed oo digniin cusub u diray TPLF

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa xoogagga TPLF u qabtay 72 saacadood iney dowladda isugu soo dhiibaan, xilli ay ciidamada dowladda Itoobiya ay ku sii jeedaan caasimadda Maqale.

Abiy Axmed wuxuu hoggaanka Tigraay uu u sheegay in la marayo “meel aan laga noqon karin”.

Xogagga Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigraay ee TPLF oo gacanta ku haya dhulka buuraleyda ayaa wacad ku maray iney dagaalka sii wadayaan oo ay isdhiibeyn.

Dagaalka dhowrka toddobaad dhex maraya ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya iyo kuwa daacadda u ah Tigraay waxaa la rumeysan yahay iney boqollaal qof ku dhinteen kumannaanna ay ku barakaceen.

Mar sii horreysayna ciidamada dowladda Dhexe waxay ka digeen magaalada Maqale oo ay ku nool yihiin 500,000 oo qof in taangiyo lagu hareereeyey ayna dhici karto madaafiic in lagu garaaco.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebre-michael oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters wuxuu sheegay ciidamada daacadda u ah TPLF iney diyaariyeen qorshe rogaal celis ah oo ay kaga adkaanayaan ciidamada dowladda.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading