Abwaannad Naciimo Qorane oo lagu xukumay saddex sano oo xarig ah

Magaalada Hargeysa, maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta ku ridday xukun ah saddex sano oo xabsi ah abwaanad Naciima Axmed Ibraahim oo tan iyo 27-kii Janaayo ee sanadkan ku xirneyd magaalada Hargeysa.
 
Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in lagu helay Naciima denbi lagu tilmaamay in ay hadallo cay, iyo cambaareyn oo waxyeello ku ah Somaliland jeedisay iyadoo markaa ku sugneyd muqdisho.
 
Bilowgii bishii hore ayey aheyd markii mas’uuliyiinta Somaliland, ay dacwad rasmi ah ku soo oogeen Naciima Axmed Ibraahim, taas oo ay ku eedeeyeen in ay faafisay hadallo ay kaga been sheegayso jiritaanka Somaliland.
 
Xarigga Naciima ee dabayaaqadii bishii Janaayo ayaa yimid kaddib markii ay ka soo noqotey safar ay ku tagtay magaalada Muqdisho, oo ay kaga qeyb gashey barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx.
 
Gabyaaga ayaa aheyd qof aan ka gaban doonitaankeeda midnimada Soomaaliya, taasoo ay ku muujisay qoraalo ay galisay baraha bulshada kuwada xiriirto ee Facebook-ga, iyo xafladaha la isugu yimaado.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading