Adan Barre Ducaale oo fariin adag udiray Xildhibaadanada dowlada fadaraalka Somaliya

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa u digay Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaradka ku ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in ay shirar ku qabtaan magaalada Nairobi.
 
Aadan Ducaale ayaa tilmaamay in dowladda Kenya oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta aysan marnaba ogoleyn in laga mucaarado dowladda Soomaaliya magaalada Nairobi.
 
” Xilibaanadda Soomalida ee dowladooda diidan uma ogolaanayno inay Nairobi ka dumayaan dowladda Farmaajo iyo Kheyre. Waan ku kalsoonahay Farmaajo iyo Kheyre shaqo fiican ayayna hayaan “.
 
Dowladdii hore uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa la xusuustaa meelaha siyaasiyiinta mucaaradka geed fadhiga u ahaa inay aheyd magaalada Nairobi, iyadoo Madaxweyne Farmaajo halka uu Ololihiisa doorasho iyo midii mucaaradnimo ee uu kala soo horjeeday dowladdii Xasan Sheekh uu ka soo bilaabay Nairobi oo muddo deegaan u aheyd.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading