Kadib munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Magaalada Addis-abab ee caasimadda Dalka Itoobiya ayaa warqadaha aqoonsiga Safiirnimo loogu guddoomay danjiraha dowladda Soomaaliya ay u magacowday dalka Itoobiya Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey.
Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle -work Zewde ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoontay safiirka Soomaaliya ee dalkaasi,taasi oo qeyb ka ah xoojinta xiriirka labada dal.

Waxaa ka qeybgalay munaasabadda soo dhaweynta ah diplomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Itoobiya,iyo xubno ka tirsan madaxtooyada dalkaasi Itoobiya.
Wuxuuu wakiil ka noqonayaa safiirnimada Itoobiya AU iyo UNECA.

Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.