Adis-Ababa:-Dhagayso Itoobiya oo si rasmiya u xaqiijisay in Qalbidhagax Dawlada Somaliya usoo gacangalisay

Dowladda Ethiopia ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in dowladda Soomaaliya ay u soo gacan galisay sarkaal ka tirsanaa ururka ONLF oo toddobaadkii hore la sheegay in lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Dr. NEGERI Lencho, wasiirka arrimaha warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa wareysi uu siiyay qeybta Afka Amxaariga ee idaacadda VOA ku sheegay in dowladda Somalia ay usoo gacan galisay Cabdikariim Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ururka ONLF.

“Waxaan kuu xaqijiyay in Ethiopia loo soo gudbiyay sarkaalka ONLF ka tirsan, waxaana soo gudbinta ay ku dhacday heshiis nagala dhaxeeya dowladda Somalia. Mas’uulkan wuxuu ka tirsan yahay ururka ONLF oo ah urur argagixiso ah” ayuu yiri.

 

 

 

Hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan.

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Wasiirka

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading