Afghanistan: Taliban oo amarro kusoo rogtay goobaha lagu jarto timaha

Kooxda Taalibaan ayaa ka mamnuucday goobaha lagu jarto timaha ee gobolka Helmand in dadka ay garka u gaabiyaan ama ay ka xiiraan.

Waxay sheegeen in tallaabadan ay kasoo horjeedo shareecada Islaamka.

Booliska Afghanistan waxay sheegeen in qof kasta oo jebiyay xeerkan mamnuucaya gar xiiridda tallaabo laga qaadi doono.

Sidoo kale xarumaha timaha lagu jarto ee ku yaalla caasimadda Kabul waxay dhankooda sheegeen in amarradan lasoo gaarsiiyay si ay u dhaqangeliyaan.

Amarradan waxay muujinayaan in kooxda ay dib usoo celisay xeerarkii adkaa xilliggii hore ay awoodda hayeen inkasta oo markii ay dhawaan qabsadeen Afghanistan ay sheegeen in xeerar dabacsan ay ku dhawaaqi doonaan marka ay xukuumadda soo dhisaan.

Tan iyo markii ay talada qabteen bishii lasoo dhaafay, Daalibaan waxay fuliyeen tallaabooyin adag oo ka dhan ah dadka kasoo horjeeda.

BBC SOMALI

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading