Afhayeenkii Madaxtooyada Puntland oo loo magacaabay Wasiiru Dawle

Wareegto Maanta Kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magcaabay Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha, Ahna Af-hayeenka Madaxtooyada Cabdullahi Maxamed Jaamac (Qudhaan Jecel).
 
Madaxweynaha Puntland.
 
Markuu arkay:- Dastuurka dawladda Puntland.
 
Markuu tixgeliyey:- Aqoontiisa iyo Khibradiisa Shaqo.
 
Wuxuu Xeeriyey:-
 
Waxaa Cabdullaahi Maxamed Jaamac ( Qudhaan Jecel ) loo magcaabay Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha, Ahna Af-hayeenka Madaxtooyada.
 
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading