Afrika oo uhalgamaysa Xubin ka noqoshada Xubnaha Rigliga ah Ee QM

Dalka Nigeria ayaa ku biiray baaqyada isa soo taraya ee ka soo yeerayaya madaxda Afrikaanka ah ee joogta shirka 79-aad ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Baaqyadaas oo ku aadan in isbedel lagu sameeyo Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Afrika,ayaa muddo dheer ku baaqeysa in matalaad joogto ah ay ka hesho Golaha ammaanka ee ugu sarreeya Sdduunka.

Wasiirka Gaashaandhigga Nigeria oo khudbad ka jeedinayay wadahadal gaar ah oo is-dhexgal ah oo ka dhacay shir-madaxeedka, ayaa wuxuu sheegay in dib-u-habeyntu ay kor u qaadi doonto ka-qayb-galka iyo qoto-dheereynta nabadda iyo ammaanka adduunka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading