Afur Wadareed balaaran oo Garowe lagu sameeyay

Garoowe: 20 March 2025: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa bulshada Caasimada Garoowe kala qayb galay kulan Afur wadareed ah oo uu soo qaban qaabiyey Duqa Caasimadda Puntland Cabdiqaadir Geedi.

Afur wadareedka oo ka qabsoomay fagaaraha Caasimada ayaa ujeedkiisu ahaa mid lagu xoojinayey isdhexgalka bulshada iyo soo bandhigista bilicda iyo horumarka ay ku tallaabsatay Caasimada oo hadda yeelatay Wadooyin qurxoon, bilic leh isla markaana loo diyaariyay kulamada bulsho ee noocan oo kale ah.

Kulanka waxa kasoo qayb galay Goleyaasha Dowladda, Maamulka gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, siyaasiin, culima’udiin, Dhaqan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Garowe.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading