Agaaasimaha cusub ee Madaxtooyada Puntland oo xilkii la wareegay (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Agaaasimaha cusub ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiladiif Yuusuf ayaa maanta xilka kala wareegay Agaasimihii hore Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe.

Munaasibadda xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada caasimadda Garoowe, waxaa goob joog ahaa dhammaan Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyda, Madax-qaybeedyada iyo shaqaalaha Madaxtooyada dawladda Puntland.

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada dawladda Puntland Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe oo hadal ka jeediyey munaasabadda xil wareejinta ah ayaa ugu horayn u mahadceliyay guud ahaan shaqaalaha Madaxtooyada oo uu sheegay inay wanaagsan ula shaqeeyeen, waxaa kale oo uu ka warbixiyey shaqooyinka baaxaddale ee uu qabtay intii uu xafiiska joogay.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan xilka idinku wareejiyo maanta, ula jeedada 8-dii Agaasime ee hore ay xilalka ula kala wareegeen waxay ahayd mar walba in jiil cusub yimaado horayna usii qaado horumarka iyo shaqada Madaxtooyadu ay hiigasanayso, halkan waa madaxii dalka, waa meeshii dadka laga hoggaaminayay, mar walba waxay u baahan tahay inuusan caajis-gelin oo aan qof iska fadhiyin, si horumar cusub u yimaado, is badalna u yimaado”. ayuu yiri Agaasime Biixi.

Agaaasimaha cusub ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiladiif Yuusuf ayaa u mahadceliyay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe oo ku tilmaamay masuul shaqadiisa ka soo baxay, waxaana uu carrabka ku adkeeyay inay xoojin doonaan shaqadii socotay, isla markaana dawladdan ay ka go’an tahay ballanqaadkii Madaxweynaha iyo Tayeyn iyo Tiigsi, si looga dhabeeyo hadafka guud ee la hiigsanayo.

Agaasime Maxamed Cabdiladiif ayaa ugu dambayn shaqaalaha Madaxtooyada Dawladda Puntland ka codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan si loo gaaro horumar ku dhisan wada-shaqayn.

Daawo.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading