Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe Ee Dowladda Puntland oo la magacaabay

Garowe: 19 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 19-ka March 2024, ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5-aad iyo Qodobkiisa 109-aad faqradiisa 3-aad

Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

* Waxaa Khadar Cabdi Axmed loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading