Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Puntland ee Gobalka Bari oo geeryooday

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Puntland (PISA) ee Gobolka Bari Marxuum Cabdixakiim Siciid Maxamuud, ayaa xalay ku geeriyoodey magaalada Boosaaso.

Marxuum Cabdixakiim Siciid oo in muddo ah kamid ahaa Saraakiisha Hay’adda PISA ayaa door weyn ku lahaa sugida Amniga magaaladda Boosaaso.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuum Cabdixakiim Siciid Maxamuud “Marxuumka ayaa ahaa nin ka soo shaqeeyey Nabadgalyada Iyo xasiloonidda Gobolka Bari in muddo ahna ka soo shaqeeyay hay’ada nabad sugida ee PISA.”

Jibril Qoobey


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading