Agaasimaha Madaxtooyada Puntland oo laga saaray kulankii shirkadaha Shiinaha iyo Madaxweyne Dani

Madaxweyne Dani waxuu muujiyay nidaam Dowladnimo,balse talaabadii shalay waxay ku ahayd yax-yax nidaamkeena.

Madaxtooyada Puntland waxaa soo gaaray wafti balaaran oo ka socda midowga shirkadaha Shiinaha,waxayna u yimaadeen sidii ay kulan ula qaadan lahaayeen Madaxweynaha cusub mudane Dani.

Agaasimaha Madaxtooyada oo sida hab maamuusku qabo ay tahay in uu diyaariyo kulanka,ayaa shaqadisii qabsaday,waxaase la yaab noqotay markii uu Madaxweynuhu amar ku bixiyay in loosoo daayo oo kaliya Khadar Faroole iyo wafuuuda la socota.

Khadar waxuu qayb ka ahaa waftiga Shirkadaha,waxuuna u yahay xiriiriyaha shirkadaha iyo Dowlada Puntland.

Shirkadaha Shiinaha,ayaa heshiis ay mashaariic dhawr ah kaga fulinayaan kula jira Dowlada Puntland.

Sida aan xogta ku helnay amarka banaanka loogu saaray Agaasimaha Madaxtooyada ee uu bixiyay Madaxweyne Dani wuxuu ka danbeeyay codsi ka yimid dhanka Khadar Faroole.

Sida nidaamku yahay kulamada Madaxtooyada waa in uu goobjoog ka ahaadaa agaasimaha Madaxtooyada iyo shaqaalihiisa muhiimka ah,madaama waxa laga wada xaajoonayo ay yihiin dan guud loona adeegayo Dalka iyo Dadka.

Talaabadan,ayaa niyad xumaysay Dad badan oo ku faraxsanaa hab dhaqanka Madaxweyne Dani uu muujiyay maalmihii yaraa ee u talada hayay.

Waxaa muuqata in Madaxweyne Dani uusan ka marnayn musuq iyo danaysi gaar ah,isla markaana xiriir hoose la leeyahay shaqsiyaadka khatarta ku ah nidaamka iyo nolosha bulshada.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading