Agaasime cusub oo loo magacaabay Hay’ada Socdaalka Somaliya

Wasiirka Amniga Somaliya Maxamed Cali Doodishe,ayaa magacaabay agaasimaha KMG ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Wasirrka ayaa Axmed Siciid Maxamed u Magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

Maalin ka hor,ayaa lagu soo eedeeyay Agaasimihii hore in uu lunsaday dhaqaale oo uu ku kacay musuq baahsan,inkastoo uu beeniyay.

Agaasimaha xilka laga qaaday,ayaa ku sugan Kenya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading