Agabka doorashooyinka hordhaca ah ee Puntland oo soo gaaray Garoowe

Waxaa garoonka diyaaradaha magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland soo gaaray agabkii doorashooyinka hordhaca ah ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Agabkan oo ah waraaqaha codbixinta saddexda degmo. Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in diyaarinta agabka doorashooyinka hordhaca ah oo socotay bilihii ugu dambeeyay ay mareyso meel gaba-gabo ah.

Shacabka kunool degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa 25 bisha soo socota ee October u dareeraya doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah oo ka dhacaysa deegaanada Puntland, waxaana haatan ka socda saddexdaas degmo maalintii afaraad isku soo baxyada Ururrada siyaasadda Puntland ee sagaalka ah.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading