Ahlu-sunna “Hubkii ay Puntland ugu deeqday Galmudug ayaa naloo adeegsaday”

Ururka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa sheegay in Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo ay la-dagaalankooda u adeegsaday hub ay dhowaan ku wareejisay dowladda Puntland.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in Puntland ay hub ay ugu talagashay la-dagaalanka Argagixisada Al-Shabaab ku wareejisay maamulka Qoorqoor, iyadoo Qoorqoor uu hubkaasi geystay magaalada Dhuusamareeb, halkii uu u diri lahaa jiidaha dagaalka.

Sidoo kale, Qoorqoor ayuu ku eedeeyay in hubkaas ay Galmudug ugu deeqday Puntland uu si lamid ah Ciidanka DFS ee uu tababaray Turkigu ugu adeegsaday la-dagaalanka culimada Ahlu-sunna.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa uga mahad-celiyay Puntland garab istaagooda maal iyo moodba leh ee ay ugu deeqeen Ciidanka dagaalka kula jiray Al-Shabaab, balse wuxuu sheegay in kutalagalkii deeqdooda la marin habaabiyay.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading