Ahlu-sunna oo ku dhawaaqaysa Xildhibaano la magac baxay Bad-baadada Galmudug

Qaar kamid ah Xildhibaanada waqtigoodu dhamaaday ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay dhawaan ku dhawaaqayaan kudlad ay ugu magac-dareen badbaadada Galmudug.

Xubnahan oo sida la sheegay kor u dhaafayaan 30 xildhibaan ayaa sheegay in wixii ka dambeeya Axada maanta ay ku dhawaaqi doonaan Gole badbaado oo ay sheegeen in ay ku badbaadinayaan Maamulka Galmudug.

Xildhibaanada oo hadda ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka cabanaya fara-galin ay sheegeen in maamulkaas dhismihiisa ay ku heyso Dowladda Federaaka Soomaaliya, oo adeegsaneysa xildhibaanada Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay deegaanada Galmudug.

Xubanahan ayaa  maalmaha fooda nagu soo haya dooranaya Guddoomiye iyo ku-xigeen, waxaana hadda guddoomiye KMG u ah Xildhibaan Shaacir Sheegow oo aad ugu dhaw hoggaamiyaasha Ahlu-Sunna oo uu ka mid ahaa Xildhibaanadii ay kula biireen Galmudug.

Sidoo kale, Qaar kamid ah xildhibaanada ku howlan dhismaha kudladaas ayaa sheegay in ay taageero buuxda ka heystaan Hoggaanka Ahlu-Sunna, gaar ahaan Macalin Maxamuud iyo Sheikh Shaakir.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading