Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kal-fadhiga 50aad Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta ayey xildhibaannadu mid mid ugu codeeyeen, una ansixiyeen Ajandaha rasmiga ah Kal-fadhiga 50-aad ee Goluhu ku shaqeyn doono, mudada uu Kalfadhigu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadku, kaas oo Guddoonka Golaha Wakiilladu Golaha u soo gudbin doonaan maalinta sabti ah ( 18.06.2022).

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.