Akhriso: 3 Arrimood oo Deni ku khasbaya isku-shaandheynta Golaha Wasiirada Puntland

Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa saacadaha soo socda isku-shaandheyn balaaran ku sameynaya Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hoggaamiyo oo Labo sanno iyo bar joogay xafiisyada.

Deni ayaa xilalka ka qaadaya ilaa 5 Wasiir, halka uu isku bedel ku sameynayo Wasiirada qaar, waxaana uu buuxin doonaa Wasaraadaha Deegaanka iyo Kalluumeysiga oo muddo Wasiiro la,aan ah.

Xubnaha isku-shaandheyntu saameyn doonto ayaa waxaa kamid ah saaxiibada dhow ee Siciid Deni, sida Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Maxamed Dhabancad, kaas oo laga qaadayo Wasaaradda Arrimaha lana geyn doono Wasaarad cusub.

Deni ayaa isbedelkan u sameyn doona Saddex arrimood dartood, kuwaas oo kala ah;

1: Sixida hab qeybsiga beelaha Puntland ee Wasaaradaha.

2: Culeys siyaasadeed oo ka geysta gudaha Puntland, gaar ahaan loolan Ururada siyaasadda iyo doorashada Golayaasha deegaanka ee sida hordhaca ah loogu qabanayo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

3: Inuu fashiliyo olalaha Xildhibaanimo oo ay ku jira qaar kamid ah musharixiinta Golaha Shacabka BJFS, kuwaas oo uu magacaabi doono xubno ehelkooda ah, si ay u lumiyaan taageerada beelahooda.

Jibriil Qoobey


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading