Akhriso: Beesha Caalamka oo baaq u dirtay Madaxda Soomaalida ee ku shireysa Muqdisho

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku bogaadiyey qabashada shirkan, ayaga oo sheegay inay rajeynaynaan in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada.

“Waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka dhammaan madaxda DGXDF ee ka-qaybgalka shir-madaxeedka si shuruud la’aan ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan madaxda DFS iyo DGXDF inay sameyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis dhakhso leh loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan Heshiiskii 17kii Sebtember.”

War-saxaafadeedka beesha caalamka ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading