ABU DHABI (IDIL NEWS)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay si kulul u Cambaaraynayaan weerarkii isbuucii hore lagu dilay Paul Anthony Formosa oo ahaa Maareyihii shirkadda P&O ee Dekada Boosaso ee Xarunta ganacsiga Dowladda Puntland.
War qoraal ah ooo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa lagu sheegay inay la xiriireen Hay’adda P&O Ports ee hoostagta Shirkadda DP World, una gudbiyeen Tacsida geeridii Paul Anthony Formosa oo u dhashay dalka Malta.
Sidoo kale, Qoraalka kasoo baxay Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in ay si dhow ula socdaan baaritaanada haatan socda ee loogu dabagalayo qaabkii uu u dhacay dilkii Paul.
Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa lagu muujiyey inay Imaaraadka ka soo horjeedaan dhamaan noocyadda falalka colaadeed, iyado odhanka kalena lagu xusay baahida loo qabo inay Beesha Caalamka u midoobaan La-dagaalanka waxa ay ugu yeereen Cabsida Xag-jirka ee khatarta ku ah Ammaanka iyo Deganaandhaha dhamaan Dalalka Caalamka.
Ugu dambeyntii, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ugu baaqday Dowladda Puntland inay muhiimad gaar ah siiyaan bad-baadada Shaqaalaha ka hawl-gala Dekedda Magaalada Boosaaso, si ay maalgashiga Dekedaasi uga faa’ideystaan Ummadda Soomaaliyeed.
IDIL NEWS
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.