Akhriso: Fadliga Soonka Maalinta Cashuuraa, ee maanta la Sooman yahay

Inta badan dunida Islaamka ayaa sooma soonka sunada ah ee loo yaqaano yowmul Caashuuraa,taasi oo ay kaga dayanayaan rasuulkeena Suuban Naxriis iyo Nabadgeliyo korkiisa ha ahaatee,kaasi oo faa’iido weyn u ah umadda Muslimiinta oo Alle kaga dembi dhaaf dalbanaya.

Hadaba maqaalkan kooban oo ay diyaarisay Wakaaladda SONNA ayaan bulshada ugu faah faahin doonaa si kooban faa,iidada ay leedahay in la soomo maalintani oo ku began beri oo taariikhdu ay tahay 9/9/2019 ama Hijiriyada 10 bisha Muxaram sanadka 1441.

Maalinta (Caashuura) waa Maalinta Sagaalaad ee bisha Muxarram ama Soomaalida ay u taqaano (zako) waa Maalintii Alle uu badbaadiyay Nabi Muuse iyo qowmkiisa fircoonna halaagay

TAARIIKHDA MAALINTA CAASHUURA.

Taariikhda maalinta (Caashuura) sida ay ku timid waxaa la wariyaa inay ahayd in rasuulka SCW markuu u soo hijrooday Magaaladii Madiina,waxaa uu ku arkay yahuudda dagan magaaladaasi oo sooman,markaas ayuu ku yiri waa maxay maalinkaan aad soomaysaan.

Yahuudii ayaa markaas ku jawaabeen.

 “Maanta waa maalin weyn waa maalin farxadeed,waa maalin mahadnaq,waa maalintii uu Alle badbaadiyay Nabi Muuse,islamarkaana uu halaagay Fircoon iyo qowmkiisa.

Rasuulka CSW ayaa maalinkaasi soomay,isagoo Alle kaga mahadcelinaya wuxuuna yiri”

 “Muuse anagaa idinkaga xaqnima badan,dadkana wuxuu faray inay soomaan, Marka la eego taariikh ahaan Sandkii labaad ee hijriyada,Soonka Cashuura wuxuu ahaa mid waajib ah,balse markii muslimiinta lagu waajibiyay bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa la joojiyay waajibnimada Soonka (Caashuura) oo waxaa laga dhigay mid sunno ah,oo qofkii doona sooma qofkii doonana ka taga,balse muhiimad iyo fadli badan leh.

Fadliga Soonka Caashuura

Soonka maalinta (Caashuura) Axaadiis badan ayaa kusoo aroortay,balse waxaynu soo qaadanaynaa xadiiska uu warinayo saxaabiga Cabdullaahi Ibnu Cabaas Nabiga CSW waxa uu yiri” soonka maalinta Caashuura waxaan Alle kaga ajar xisaabsanayaa inuu ii dhaafo dembiyadii  sanadkii tagay”.

Hadaba maalinkaas in lasoomo waa sunno muhiim ah,oo aad u fadli badan waxaana loo baahanyahay in lasoomo maalinta (Caashuura) maalinta ka horeysa 9aad ama maalinta ka dambeysa ee 11 aa-d si yahuudda loo khilaafo,maadama ay soomayaan Maalinta Caashuura keliya.

 W/Q Ibraahiim Azhari

SONNA


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading