Akhriso: Golaha Ammaanka QM oo war ka soo saaray xaaladda Soomaaliya

Golaha Amaanku waxay walaac xooggan ka muujiyeen khilaafka socda ee ka dhex taagan Dowladda Soomaaliya iyo saameeynta taban ee uu ku yeelan karo jadwalka geedi-socodka doorashada. Waxay ku boorriyeen dhammaan saamilleyda inay isxakameeyaan, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay ku boorriyeen dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal sida ay ku jirto danta Soomaaliya ayna hortabinta siiyaan qabsoomidda doorasho daah-furan, lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, oo ku dhacda waqtigii lagu heshiiyey si waafaqsan heshiisyadii 17-kii Sebtembar iyo 27-kii Maajo.

Golaha Amaanku waxay ku boorriyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah inay xaqiijiyaan in khilaaf kastoo siyaasadeed uusan ka weecin tallaabooyinkooda wadajira ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee mintidiinta ah.

Golaha Amaanku waxay mar kale carrabka ku adkeeyeen xurmada ay u hayaan gobanimada, madax-bannaanida siyaasadeed, tan dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading