Akhriso: Itoobiya Labo waddo mid bay mari doontaa!

Ethiopia's Prime minister Abiy Ahmed speaks during a press conference at his office in Addis Ababa, on August 25, 2018. (Photo by Michael Tewelde / AFP)

Burburka ku wajahan Ciidamada Itoobiya, waxaa ciidamada difaaca qaran baaqi ahaan ka soo hadhay waa 4 guuto oo keliya xagga ciidamada ku bahoobay Xoogagga Difaaca Tigree uu yahay 30 Guuto, laba arrimood ayaan laga fursan karayn mustaqbalka dhaw iyo kan fog;

  1. Mustaqbalka Dhaw: lasman Dr. Abiy ma sii xukumi karo Itoobiya. Kalsoonidii iyo taqwadii dawladnimo ayaa ka luntay. Xilli ay TDF dhul badan qabsadeen Jabhadaha Oromona ay ku dhawaaqeen dawlad ku meel gaadh ah, uma eka in Dr. Abyi dalkan sii xukumi doono. Waxa laga yaabaa in wada hadallo dawlad loo dhanyahay laga fikiro.
  2. Mustaqbalka Fog: waa in Itoobiya la kala jajabiyo ama wax u eg barwaaqa sooran loo dhiso. Sida hadda ay tahay 110 million shacab ah oo qowmiyado kala duwan ka kooban laguma xukumi karo nidaamkii Axmaariga ahaa ee Xayle Selassie dhisay.

Geedi socodkan xawliga ku socda waxa aad uga gaabiyey Soomalida Itoobiya ku hoos jirta. Sheekadoodu cay iyo mu’amaraad ma dhaafsiisna. Waxaana arrin aad looga naxo ah talo xumada taal DDS iyo daciifnimada ka muuqata deegaanka. Waa ayaandarro.

W/Q: Faysal Rooble

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading