Akhriso: Madaxweyne Biixi oo magacaabay Guddi cusub

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-715/092021 ku Magacaabay Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

Markaan Arkay: Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka, Xeer Lr. 92/2020, Qodobkiisa 9aad;

Markaan Arkay: Muhiimadda Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranku u Leedahay Dhismaha Hay’adda Caymiska;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

1. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire – Guddoomiye.

2. Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdillaahi Daahir – Xubin.

3. Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Saleebaan Cawad Cali Bukhaari – Xubin.

4. Ururka Qareennada Somaliland Abuubakar Sh. Maxamud Cabdi – Xubin.

5. Dalladda Shirkadaha Caymiska Maxamuud Nuur Ducaale – Xubin.

6. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim – Xubin.

7. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdiraxmaan Maxamed Cali – Xubin

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading