VIDEO: Midowga Musharixiinta oo baaq adag u diray Ra’iisul Wasaare Rooble

Qoraal ka soo baxay Midowga Musharixiinta Madaxweynaha oo ku qornaa luqada Englishka ayaa lagu sheegay in ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu wajahayo cadaadis dibbada uga imanaya taasoo ku qasbaysa inuusan dhexdhexaad ka noqon arrimaha doorashooyinka dalka.

Midowga Musharixiinta oo qoraalkan u direy Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay inaka walaacsan yihiin in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dhex-dhexaad noqon waayo howlaha doorashada, isla markaana uu u nuglaado cadaadis uga imaanayo dibadda.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta waxaa ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha in uu joojiyo safarada dibadda, sidoo kalena uu muujiyo madax bannaani, isla markaana uu bilabo howlaha doorashooyinka ee loo igmaday.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading