War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa looga hadlay xaalada cakiran ee Soomaaliya, waxaana Puntland ay sharuudo cusub ku xirtay ka qeyb-galka geedi socodka doorashada.
Shuruudaha ku qoran War-saxaafadeedkan oo ka kooban 3 Bog, laguna qoray Afafka Soomaaliga iyo Engaliishka ayaa waxaa kamid ah;
- In la bedelo saddexda Taliye Ciidanka Qalabka sida, Booliska, Milateriga iyo NISA
- In go’aanadii baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ay gaareen wixii ka dambeeyey 27-kii December 2020-ka, Go’aan kasta oo ay Xukuumadda FS gaartay wixii ka dambeeyey 8 Feb in laga laabto sharci darrana laga soo qaado.
- In laga xisaabtamo wixii dhacay 19 February, guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro dhacdooyinkii dhacay
- In saamileyda siyaasadeed iyo bulshada rayidka ah ay qeyb ka noqdaan geedi socodka kulamada oo laga qeybgaliyo.
- Beesha Caalamka ay damaanad qaado fulinta Heshiisyada doorashada (April 2016-kii Saxiixayaal Heshiiska)
6- in shirka wadatashiga qaran uu ka dhaco goob ammaan ah oo Muqdisho ah.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.